Home WARARKA Dawladda Jubaland oo magacowday guddi heer sare ah oo ka kooban 9...

Dawladda Jubaland oo magacowday guddi heer sare ah oo ka kooban 9 xubnood

17
0

Dawladda Jubaland ayaa maanta oo Khamiis ah magacowday guddi heer sare ah oo ka kooban 9 xubnood, kuwaas oo iskugu jira wasiirro iyo mas’uuliyiin kale. Guddigan ayaa loo xil-saaray qabanqaabada iyo diyaarinta Shirka Madasha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee lagu wado inuu dhawaan ka furmo magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale, gudiyadii farsamo ee ka kala socday Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta Soomaliyed — kuwaas oo loo igmaday hawlaha farsamo — ayaa iyaguna lafilayaa in ay soo garaan Kismaayo.

Xubnahan ayaa diyaarin doona habraaca rasmiga ah ee shirka, jadwalkiisa iyo liiska madaxda lagu casuumi doono.

Shirka oo qorshaysan inuu furmo bartamaha bishan Diseembar ayaa la filayaa inuu isku keeno madaxda mucaaradka, hoggaamiyeyaal ka tirsan laba maamul-goboleed, iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here