Home WARARKA Deegaanno katirsan Gobolka Nugaal oo abaar darteed looga barakacay

Deegaanno katirsan Gobolka Nugaal oo abaar darteed looga barakacay

18
0

Deegaanno katirsan Gobolka Nugaal ee Dowlad-Goboleedka Puntland waxaa dadka degen saamayn taban ku reebay abaar, waxa ay qoysaska qaar billaabeen in ay isaga tagaan deegaankooda si ay u raadsadaan deegaannada ay ka heli karaan biyo & cunno.

Dadkaan Barakacay oo u badan Xoolo dhaqato ayaa isaga hayaamay Tuulada Godbo & Deegaanno kale oo dhinaca Miyiga ah oo hoos taga Degmada Godobjiraan ee Gobolka Nugaal Dowlad-Goboleedka Puntland.

Waxa ay dalbadeen in laga caawiyo sidii ay u heli lahaayeen ceel-biyood deegaanka ah si ay u waraabistaan Xoolahooda iyagana ay u cabbaan biyahaas, fariin toos ah ayay u direen cid weliba oo xalka arrintaan gacan ka gaysan karta.

Qaybo kamid ah Gobollada Dalka gaar ahaan Waqooyiga waxaa ka jira abaaro xooggan oo saamayn taban ku reebay nolosha Dadka iyo Duunyada, dad ilaa haatan aan tira-koob rasmi ah lagu samayn ayaa barakacay, waxa ay raadsadeen dhul biyo & daaq leh.

Tani waxa ay sii kordhineysaa tirada qoysaska barakacay, Hay’adaha diiwaangeliya Barakacayaasha & Qaxootiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in barakacu uu weli socdo, khatartana ay sii kordhi karto sida ay hadalka u dhigeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here