Waxaa goordhoweyd garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho shil ku gashay diyaarad ay leedahay shirkadda StarSky.
Diyaaradan ayaa kamid ah kuwa gobollada dalka u duulla, waxaana wararka aan helayno sheegayaan in markii ay ka kacday garoonka Muqdisho ay markiiba ku dhacday badda.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in shilku uu ahaa mid farsamo, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.
Diyaaradda ayaa ku sii jeedday magaalooyinka Guriceel iyo Gaalkacyo ayaa waxaa saarnaa 50 rakaab ah iyo shaqaale diyaaradeed.



