Dekedda magaalada Boosaaso ayaa saaka gebi ahaanba Shaqadeedii istaagtay kadib markii shirkadda DP World ay amar degdeg ah ku soo rogtay dhammaan shaqaalihii ka shaqayn jiray dekedda taas oo keentay in maanta dekeda wax shaqo ah ka socon.
Ilo kala duwan oo aanu la xiriirnay ayaa noo xaqiijiyay in DP World ay saaka ku amartay dhammaan shaqaalaha dekedda in ay soo iibsadaan dhar gaar ah oo hadda kadib lagu shaqayn doono, kaas oo qiimihiisu gaarayo ku dhowaad 100 Dollar, Iyadoo la ogyahay Shaqaalaha ka xamaasha Dekeda in aysan Xiran karin Koofyad Maadaamada ay yihiin Xamaali Alaabtana ku qaada Madaxa.
Sido kale DP World ayaa saaka soo rogtay go’aan kale oo cusub, kadib markii horay shaqaalaha dekeddu ku geli jireen kaar shaqo oo lixdii biloodba mar la cusboonaysiin jiray, Hase yeeshee maanta ayaa la faray in kaarka laga dhigay hal sano iyadoo qiimihiisu yahay 14 Dollar, arrintaas oo ay horay shaqaalaha dekeddu uga dhigeen mudaharaadyo ay kaga soo horjeedaan.
Dhanka kale waxaa jira 14 shaqaale oo horay loogu wargeliyay in ay gabi ahaanba ka tagayaan shaqada laga bilaabo bilowga sanadka cusub ee 2026.



