Home WARARKA DFS oo sheegtay in ay hirgalineyso Dastuurka dalka oo ay ansixiyeen Baarlamaanka

DFS oo sheegtay in ay hirgalineyso Dastuurka dalka oo ay ansixiyeen Baarlamaanka

3
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u shaacisay in dowladddu ay guda-galayso wejiga hirgelinta iyo dhaqan-galka qodobbada Dastuurka ee ay dhawaan ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in tallaabada ansixinta ay ahayd guul taariikhi ah oo dalka ka saaraysa nidaamkii Kumeel-gaarka ahaa, balse hadda la joogo waqtigii tallaabadaas loo beddeli lahaa ficil dhab ah.

Wasaaraddu waxay xaqiijisay in ka go’naanshaheedu yahay hirgelinta qodobbadaas si loo dardargeliyo dhismaha dowlad adag, mideysan oo waarta.

Qoraalka ayaa lagu xusay in hirgelinta dastuurkan ay saldhig u noqon doonto kala asteynta awoodaha iyo waajibaadka hay’adaha dowladda ee heerarka kala duwan, taas oo xal u noqonaysa madmadowgii jiray, isla markaana xoojinaysa dowlad-wanaagga iyo isla xisaabtanka.

Sidoo kale, Dowladda ayaa hirgelinta qodobbadaas u aragta dhabaha kaliya ee lagu gaari karo nidaam doorasho oo ku yimaada rabitaanka bulshada, iyadoo meesha laga saarayo hab-qeybsigii hore.

Ugu dambeyntii, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa loogu mahadceliyay labada gole ee Baarlamaanka oo ansixiyay wax ka badalka Dastuurka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here