Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa ciidamo dheeraad ah gaysay Duleedka Magaalada Kismaayo si ay u xoojiyaan Amniga Magaaladaan martigelineysa shirka mucaaradka ee halkaas ka dhacaya sida ay sheegeen ilo kala duwan.
Ciidamadaan ayaa lagu xoojiyay askartii horay u baaraysay gaadiidka u gudba Magaalada Kismayo oo xarun kumeel-gaar u ah Dowlad-Goboleedka Jubbaland si amniga sare ugu qaadaan sida warka loo dhigay.
Qaar kamid ah Gaadiidka xamuulka ayaa lagu xayiray duleedka Magaalada Kismaayo, gawaarida fudud ee kuwa raaxada ah ee isaga kala gudba Magaaladaas iyo Deegaannada kale ee Gobolka Jubada Hoose waxaa lagu samaynaa baaris xooggan.
Maanta waxaa Magaalada Kismaayo ku wajahan xubno katirsan Mucaaradka Dowladda Federaalka, waxa ay qayb ka yihiin xubnaha ku shiraya Xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland.



