Magaalada Jowhar waxaa ka jira ciyaal weero dhibaato ku haya bulshada, Waxa ay u baabulan yihiin koox koox iyaga oo ka dhisan xaafadaha ay ka kooban tahay Jowhar.
Ciyaal weerada ayaa caqabad ku ah amniga magaalada waxaana cabasha badan ka muujiyey bulshada maamulkana dhowr jeer waxa ay kasoo saareen amaro digniin ah oo ay u dirayaan ciyaalka.
Wasiirka Amniga Maxamed Cabdiraxman Kheyr ayaa sheegay in Ciidamadu ay diyaar u yihiin had iyo jeer sugida Amniga magaalada jowhar , isla markaana ay ka hortagayaan waxkasta oo liddi ku ah amniga.
Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa Shacabka kunool magaalada jowahr waxaa ay ka cabanayeen Ciyaal weerada iyo Kooxo Burcad ah oo mararka qaar dhac u geeysanaya.
Hoos ka Dhageyso:



