Home WARARKA Dhaqtar Suuxiye ah oo lagu helay in uu dilay in ka badan...

Dhaqtar Suuxiye ah oo lagu helay in uu dilay in ka badan 30 Bukaan

18
0

Dhaqtar takhasuskiisu yahay Suuxinta Dadka la qalayo una dhashay Dalka Faransiiska oo lagu magacaabo Frédéric Pechier ayaa lagu helay kiis la xiriira in uu si ula kac ah u dilay in ka badan 30 Bukaan sida lagu sheegay eedda loo jeediyay.

Ninkaan oo 53 jir ah ayaa Maxkamad ku taalla Besancon ee bariga Faransiiska waxa ay ku heshay dambi ah in uu dadkaas ku duray walxo keeni kara in uu qofka wadnaha istaago ama dhiig-baxo Bukaanka oo laga siiyay xididka.

Dadka uu dilay waxaa ugu yaraa 4 jir, waxaa ugu wayn 89 jir sida lagu sheegay bayaanka lagu xusay eedaha dacwadda ka dhanka ah Dr Frédéric Pechier, waxaa loo haystaa in uu si baxsan aqoonta la siiyay in uu adeegsaday.

Dacwad-oogayaashu waxa ay Dr Frédéric Pechier ku tilmaameen in uu yahay Dhaqtar Dhimasho, sidaas awgeed waxa ay codsadeen in ciqaab adag oo u qalanta dambigii uu gaystay in lagu qaado si ay digniin ugu noqoto dhaqaatiirta kale.

Qareennada Difaacaya Dhaqtarka ayaa eedaha loo jeediyay Frédéric Pechier ka fogeeyay, waxa ay sheegeen in shaqadiisu ahayd suuxinta dadka oo mararka qaar suuragal noqon karta in uu Bukaanku dhinto ama uu dhiig-baxo waa haddii uusan xinjirayn dhiiggiisa.

Pechier waxa uu hadda qaadan doonnaa ugu yaraan 22 sano xabsi, lama xirin intii ay socotay dacwadda maxkamadda, waxa uu haystaa todobaad uu ku qaadan karo racfaan, isaga iyo qareennadiisa ayaa ka tashan doonna sida ay ku wajahayaan eedahaas culus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here