Home WARARKA Diyaarado dagaal oo waraaqo digniin ah ku daadiyay degmada Jamaame ee...

Diyaarado dagaal oo waraaqo digniin ah ku daadiyay degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose

19
0

Wararka ka imanaya degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay waraaqo digniin ah ku daadiyeen degmadaasi, xilli Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ay wadaan guluf ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Diyaaradahan oo aan la aqoon dalka laga leeyahay ayaa siday farriin ay dadka deegaanka ugu sheegayaan inay isaga fogaadaan meelaha ay ka ag dhow yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab, taas oo macnaheedu yahay inay bartilmaameed yihiin.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa toddobaadkii saddexaad hawlgal ka wada deegaannada ku yaalla jiinka webiga Jubba ee hoos taga degmadaasi, iyo sidoo kale waddada laamiga ah ee taga Jamaame.

Qaar ka mid ah dadka reer Jamaame ayaa 16-kii bishan billaabay inay isaga barakacaan magaalada, kaddib duqeyn ay dad rayid ah ku dhinteen oo ka dhacday nawaaxigeeda.

Wararka ayaa sheegaya in duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo dhufeysyada iyo saldhigyada ay Shabaab ku leeyihiin bannaannada Jamaame, gaar ahaan dhulka hawdka, ay weli socdaan.

Maleeshiyadu waxay ku dagaallamaysaa sidii ay u sii haysan lahayd magaaladan oo aan mar qura laga saarin tan iyo sannadkii 2008.

Digniintan ayaa baqdinta ku kordhinaysa dadka weli ku harsan magaalada ee u joogay inay qiimeeyaan halka ay xaaladdu ku dambayn doonto. Dadka reer Jamaame ayaa dhowr jeer oo hore barakacay, markasta oo ciidamada ay hawlgallo ka billaabeen deegaannada hoos taga iyo duqeymo Al-Shabaab loogu geystay duleedyada iyo gudaha magaalada, balse ciidamada weli ma xaqiijin inay ka saareen maleeshiyadaasi.

Shabaab ayaa hore ugu suurtagashay inay fashiliyaan isku dayadii lagu doonayay in lagaga saaro magaaladan. Hawlgalkii ugu dambeeyay ee ay ka hortageenna wuxuu ahaa kii bishii March ee sannadkii hore, markaas oo ciidamada ay ugu dhaqaaqeen inay qabtaan magaalada, balse ay ka gudbi waayeen dhufeysyada ay maleeshiyadu ku leedahay hawdka u dhexeeya Baar Sanguuni iyo Jamaame.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here