Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa la sheegay in uu dejiyay qorshe xooggan oo ka dhan ah sidii uu isaga fogayn lahaa Dalalka Shiinaha iyo Ruushka, waxa uu damacsan yahay xil ka tuurista madaxda raacsan Moscow & Beijing.
Donald Trump ayaa la tashtay xubno katirsan kuwa mayalka adag ee Xisbigiisa katirsan kuwaas oo iyanna ku raacay qorshahaan si loo dhimo halista dhaqaale iyo tan amni ee Maraykanka uga imaan karta Dalalka Koofurta Ameerika dhacda.
Qabashadii Madaxweynihii hore ee Venezuela, Nicolas Madura waxa uu horudhac u ahaa qorshaha looga hortagayo dagaal buuxa oo sababi kara dhiig-bax, dhaqaale, in uu is difaaco hogaamiyaha uu doonayo qabashadiisa & in laga hortago Khatar weliba oo imaan karta.
Waxa uu si ballaaran isugu xiray waaxyaha kala duwan ee Ciidamada Dalkaas, halka Warbaahinta gudaha lagu wargeliyay in aanay hordhac uga hadli Karin howlgallada qorsheysan si aanay u tubo-raacin Sirdoonka Waddamada Kale.



