Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo gaargaar ah oo Dowladda Federaalka iyo xubnaha Mucaaradka ah ay wadaan si dhinac weliba uu uga soo tashto qodobada muhiimka ah ee wadahadalkooda ka dhacaya Caasimadda.
Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal u sheegay in saacadihii lasoo dhaafay kulamo waqtiyo dheer qaatay in ay dhinacyadaan sameeyeen si ay uga tashtaan shuruudaha adag ee dhinac weliba weliba uga imaan karo dhanka kale.
Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa goobaha ay ka deggen yihiin Magaalada Muqdisho waxa ay ku qaabileen xubno ay ku wadaagaan Madasha Mucaaradka iyaga oo kawada hadlay shirka furmaya.
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qudhooda si hoose uga shiray sida laga yeelayo qodobada culus ee Xubnaha Mucaaradka horay usoo bandhigeen isla markaana ay dhexgayn rabaan wadahadalka labada dhinac.



