Home WARARKA Dowladda Federaalka Soomaaliya: Raashinkii WFP ee Bakhaarka laga raray waa lagu celiyay

Dowladda Federaalka Soomaaliya: Raashinkii WFP ee Bakhaarka laga raray waa lagu celiyay

8
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in dhammaan agabkii gargaar ee Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ee laga raray bakhaar ku yaalla Dekedda Muqdisho, xilligii ballaarinta dekedda, dib loogu celiyay hay’addaas.

Bayaan saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo ku taariikhaysan 26-ka Janaayo 2026, ayaa lagu sheegay in dowladda ay si buuxda u qaadatay mas’uuliyadda dhacdadaas, islamarkaana ay ka xuntahay sida ay wax u dhaceen.

Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in si loo hubiyo in gargaar bani’aadannimo si ammaan ah oo aan carqalad lahayn u sii socdo, WFP loo diyaariyay bakhaar ka weyn oo ka habboon kii hore, kaas oo ku yaalla gudaha Dekedda Muqdisho, si loo fududeeyo kaydinta iyo qaybinta raashinka.

Bayaanaka ayaa lagu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sanado badan xiriir iyo wada-shaqeyn dhow la lahayd WFP, gaar ahaan dhinacyada howlgalka iyo saadka, balse ay muhiim tahay in la xoojiyo wada-xiriirka iyo is-dhaafsiga xogta ee u dhexeeya dowladda iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.

Sidaas darteed, dowladda ayaa ballanqaadday in ay dib u eegis ku sameyn doonto sababihii keenay dhacdadan, isla markaana ay qaadi doonto tallaabooyin looga hortagayo in arrimo la mid ah ay mar kale dhacaan mustaqbalka.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta mabaadi’da bani’aadannimo, daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka, iyadoo xustay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ay la leedahay WFP, Mareykanka iyo guud ahaan beesha caalamka, si loo taageero shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here