Home WARARKA Dowladda Masar oo wajahaysa fadeexad kadib markii saraakiil ka tirsan ciidankeeda lagu...

Dowladda Masar oo wajahaysa fadeexad kadib markii saraakiil ka tirsan ciidankeeda lagu arkay gudaha Israa’iil

10
0

Taliska Dhexe ee Militariga Mareykanka (CENTCOM) ayaa si kooban u baahiyay sawirro muujinaya saraakiil ka tirsan Ciidamada Masar oo ku sugnaa xarun uu Maraykanku hoggaaminayo, oo taalla magaalada Kiryat Gat ee Israa’iil, taasoo dhalisay xasaasiyad diblomaasiyadeed iyo falcelin degdeg ah oo ka timid dowladda Masar.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Defence Security Asia, sawirradaas oo markii dambe si degdeg ah loo tirtiray ayaa ahaa caddeyntii ugu horreysay ee si fagaare ah loo arko saraakiil Masaari ah oo ka hawlgala xarun ku taalla gudaha Israa’iil, taasoo muujisay heerka hoose ee wada-shaqeynta amni ee u dhexeysa Masar, Maraykanka iyo Israa’iil ee la xidhiidha maareynta xaaladda Gaza.

Warbixintu waxay tilmaantay in Masar ay si dhaqso ah uga codsatay Mareykanka in la tirtiro muuqaalladaasi, kaddib markii ay ka muujisay walaac ah in sawirradu ay “aragti xun” ku reebi karaan shacabka Masar iyo guud ahaan dunida Carabta, xilli ay Qaahira isku dayayso inay isku dheellitirto iskaashi amni oo qarsoon iyo taageero muuqata oo ay u muujinayso shacabka Falastiin.

Xarunta Civil-Military Coordination Center (CMCC) ayaa la aas-aasay dabayaaqadii 2025, kaddib xabbad-joojin laga gaadhay Gaza, waxaana looga gol leeyahay isku-dubaridka gargaarka bani’aadannimo, kormeerka xabbad-joojinta, iyo qorsheynta dib-u-dhiska Gaza. Xaruntan waxaa hoggaaminaya Mareykanka, waxaana ka qayb qaata dalal badan oo Carab iyo Reer Galbeed ah.

Masar ayaa muddo dheer door muhiim ah ka qaadanaysay dhexdhexaadinta colaadda Gaza, gaar ahaan wada-xaajoodyada xabbad-joojinta, sii-deynta maxaabiista, iyo fududeynta gaadhsiinta gargaarka bani’aadannimo. Hase yeeshee, hoggaanka Masar ayaa si joogto ah uga fogaada in si muuqata loo muujiyo iskaashi ciidan oo ay la leeyihiin Israa’iil, sababo la xidhiidha cadaadis gudaha ah, dareenka shacabka, iyo xasaasiyadda siyaasadeed ee gobolka.

Falanqeeyayaasha ayaa qaba in tallaabada CENTCOM, inkastoo ay ahayd mid kooban, ay si cad u muujisay caqabadda u dhexeysa siyaasadda daahfurnaanta Mareykanka iyo istaraatiijiyadda qarsoodiga ah ee ay doorbidaan dalalka Carabta qaarkood, gaar ahaan marka ay timaaddo xidhiidhka Israa’iil.

Dhacdadan ayaa mar kale iftiimisay in iskaashiga amni ee Bariga Dhexe uu yahay mid jira oo qoto dheer, balse inta badan la qariyo, maadaama muujintiisu ay halis gelin karto xasilloonida siyaasadeed, sharciyadda hoggaaminta, iyo kalsoonida shacabka ee dalalka ku lugta leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here