Home WARARKA Dowladda Soomaaliya oo illaa iyo hada aan qaadin wax tallaabo dhacdadii ka...

Dowladda Soomaaliya oo illaa iyo hada aan qaadin wax tallaabo dhacdadii ka dhacday Ceelasha Biyaha

16
0

Dowladda Federaalka ayaan illaa iyo qaadin wax tallaabo ah oo ay kaga falcelineyso dhacdadii ay shacabku ka argagaxeen ee Axaddii ka dhacday deegaanka Ceelasha Biyaha, oo ku yaala waddada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidamada Booliska ayaa dhacdo ugub ah ka gaystay deegaankaasi, ka dib markii ay dileen Allaha u naxariistee Bashiir Cabdullaahi Macalin Xuseen (Bashiir Manaabe), ka dibna ay meydkiisa ku xireen gaari Cabdi Bile, waxayna dadku arkayeen iyagoo dhulka ku jiidaya meydka marxuumka.

Marxuumka ayaa waardiye ka ahaa guri ay ciidamadu u socdeen inay la wareegaan, mana cadda in qoyska guriga iska leh ay bixin waayeen lacagta canshuurta ee sanadka kasta laga qaado guryaha iyo in gurigaasi lagu soo qoray dumis oo meel waddo ah uu ku yaalo, waxaase xusid mudan in muddooyinkan uu buuq ka taagnaa canshuur dheeraad ah oo lagu soo rogay milkiileyaasha guryaha ku yaala Ceelasha Biyaha, ciddii bixin weydana ay la kulmeysay wax aad mooddo in lagu ciqaabayo.

In askar boolis ahi ay qof Soomaali ah dilaan, isla-markaana ay meydkiisa dhulka ku jiidaan ayay ehelada Bashiir Cabdullaahi Macalin ku sheegeen wax shacabka Soomaaliyeed ku cusub.

Qoyska marxuumka ayaa wacad ku maray inaysan meydkiisa aasi doonin, illaa iyo inta laga ciqaabayo kuwii falkan naxdinta leh gaystay.

Meydka marxuumka ayaa ku jira qaybta qaboojiyaha meydadka lagu kaydiyo ee Isbitaalka Madiina. Shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalkan ayaa kuu sheegaya in meydka marxuumka loo keenay, iyadoo uu qayb ahaan maqaarka ama haraga uu ka dhacay.

Ciidamada falkan ku kacay ayaa ka amar qaata Taliyaha Saldhigga Booliska Ceelasha Biyaha, Gaashaanle Maxamed Xaashi Cagey, kaas oo ku shaqeeya awaamiirta Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin.

Korneyl Muumin ayaa ah sarkaalka ugu sarreya ee Dowladda Federaalka u qaabilsan hawlgalka lagu burburinayo guryaha ay shacabku degan yihiin, oo ay ku jiraan kuwa danta guud.

11-kii bishii June ee sanadkan ayay ahayd, markii Ciidamada Booliska ay xaafadda Jabad Geele ee Ceelasha Biyaha ku dileen hooyo lagu magacaabi jiray Fartuun Axmed Nuur, ka dib markii ay ka hortimid in la burburiyo gurigeeda oo dumis lagu soo qoray.

Hooyadan ayaa ka mid ahayd dad xilligaasi ka biyo diiday in waxa ay u arkayeen sifo sharci darro ah looga qaato hantidooda ma guurtada ah.

Muqdisho iyo Ceelasha Biyaha ayaa waxaa aad ugu badan dadka ka cabanaya in si sharci darro ahi dhulkooda loo boobayo.

Dhammaan dadka ka cabanaya in si sharci darro ah guryahooda loola wareegay ayaa ka siman hal shay, oo ah inaysan jirin meel ay u raadsan karaan xuquuqdooda. Dadka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir ku eedeynaya in ay gebi ahaanba diidan tahay inay gal dacwadeed u furto iyo inay dhageysato cabashadooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here