Maxkamadda Sare ee East African Court of Justice (EACJ) ayaa maanta ku dhawaaqday go’aan taariikhi ah oo ay ku xukumeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya inay dibu ceshato 9-ka xubnood ee ay u soo gudbisay Baarlamaanka Midowga Bariga Afrika (EALA).
Go’aankan ayaa yimid kadib markii maxkamaddu ku heshay doorashadii xubnahaas musuq-maasuq, eex iyo nidaam aan hufneyn, taasoo khilaaf weyn dhalisay toddobaadyadii la soo dhaafay.
“Dhabar-jab weyn oo siyaasadeed iyo sharci ah oo loo geystay dowladda Soomaaliya. Waxa uu muujinayaa in caddaalad-darradii ka jirtay dalka ay hadda dibadda u soo baxday oo laga hor istaagay.”
Qaar kamida dadkii indhaha ku hayay dhageysiga dacwadan ayaa tilmaamay in arrintani ay tusaale cad u tahay in bulshada caalamka iyo hay’adaha gobolka aysan aqbali doonin musuq-maasuq iyo qaraabo-kiil lagu matalo shacabka Soomaaliyeed.
Maxay ka dhigan tahay?
• Dowladda Soomaaliya waa inay si degdeg ah u magacaawdaa ama dib u qabataa doorashadii xubnaha EALA si hab sharci iyo daahfuran ah.
• Sumcadda Soomaaliya ee Midowga Bariga Afrika ayaa dhaawac soo gaaray, maadaama go’aanka lagu sheegay in doorashadii aysan lahayn wax hufnaan ah.
• Arrintan waxay noqon kartaa cashar siyaasadeed oo ku saabsan in hab-maamus la’aan iyo eex aysan meel u socon karin marka la joogo nidaamyada caalamiga ah.
Go’aanka maanta ee Arusha wuxuu noqday mid si weyn looga hadal hayo gudaha iyo dibadda, wuxuuna muujiyay baahida degdegga ah ee Soomaaliya u qabto dib-u-habeyn ku saleysan sharciyad, hufnaan iyo isla xisaabtan.



