Home WARARKA Dowladda Turkiga oo Soomaaliya u dhisaysa ciidan badeed

Dowladda Turkiga oo Soomaaliya u dhisaysa ciidan badeed

1
0

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkey ayaa sii ballaarinaya iskaashigooda dhanka amniga, kaddib markii ay bilaabeen fulinta heshiis ciidan oo ay hore u wada galeen. Heshiiskan ayaa saldhig u ah dhismaha xarun tababar oo casri ah oo loogu talagalay ciidanka badda Soomaaliya, taas oo laga hirgeliyay duleedka degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saldhiggan cusub ayaa ku yaalla gudaha xayndaabka xarun ay Turkidu ka dhisayaan isla deegaankaasi, waxaana warbixinno madax-bannaan ay tilmaamayaan in goobtu yeelan doonto adeegyo kala duwan oo farsamo iyo tababar, kuwaas oo la xiriira horumarinta awoodda ciidanka badda Soomaaliya. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in mustaqbalka saldhigga lagu fulin doono hawlo tijaabo iyo kormeer ah oo la xiriira teknoolojiyad casri ah.

Qaybihii ugu horreeyay ee ciidanka badda Soomaaliya ayaa horey loo geeyay halkaas, waxaana sidoo kale la dhisay qaab-dhismeedka hoggaamineed ee Qaybta Cadalle, kaddib markii la magacaabay taliyayaal iyo saraakiil masuul ka noqon doona hawlaha saldhigga. Tani ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nidaamka taliska iyo habsami u socodka howlaha ciidanka badda.

Ciidamada ku sugan saldhigga ayaa adeegsanaya doonyo yaryar oo ay dhawaan keentay dowladda Turkey, kuwaas oo loo isticmaali doono sugidda amniga xeebta ku dhow xarunta. Amniga guud ee saldhigga ayaa waxaa si wadajir ah u xaqiijinaya cutubyo ka tirsan Gorgor iyo ciidamo Turkish ah, kuwaas oo ilaalo ka haya gudaha iyo bannaanka xarunta.

Inkastoo saldhiggu weli yahay mid dhisme ahaan aan si buuxda u dhammeystirnayn, haddana waxaa durba la geeyay qalab culus iyo agab ciidan oo muhiim ah, waxaana bilowday tababaro la siinayo ciidamada badda, kuwaas oo diiradda saaraya kor u qaadidda xirfadaha ilaalinta xeebaha iyo la-dagaallanka khataraha amni ee badda.

Dhanka kale, diyaarad ay leedahay dowladda Turkey oo shalay soo gaartay Muqdisho ayaa qaaday cutubyo ka tirsan Haramcad, kuwaas oo loo qaaday dalka Turkey si ay u qaataan tababar heer sare ah. Tababarkan ayaa la sheegay inuu yahay mid kor u qaadaya awoodda ciidanka gaarka ah ee booliska, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo ka hortagga khataraha casriga ah.

Iskaashigan ciidan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkey ayaa imanaya xilli dowladda Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidamadeeda kala duwan, si loo xoojiyo amniga qaranka, loona ilaaliyo xeebaha dhaadheer ee dalka. Warbaahinta madaxa-bannaan ayaa tilmaamaysa in tallaabooyinkan ay muujinayaan heerka sii kordhaya ee xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here