Home WARARKA Dr Maryam Qaasim oo ku guuleysatay doorashadii hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqal...

Dr Maryam Qaasim oo ku guuleysatay doorashadii hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqal Insaanka Qaranka

4
0

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho si rasmi ah uga dhacay doorashada hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqal Insaanka Qaranka, taas oo indhaha si gaar ah loogu hayay, maadaama ay go’aamineysay jihada uu guddigu qaadi doono afarta sano ee soo socota.

Doorashadan, oo markii hore loo qorsheeyay inay qabsoonto toddobaadkii hore, ayaa dib u dhacday kaddib caqabado farsamo iyo loollan siyaasadeed oo xoogganaa, balse saakay ayay bilaabmatay codeyn ay ku tartameen murashaxiin miisaan culus ku leh hay’adaha dowladda iyo nidaamka xuquuqda aadanaha.

Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood, ayaa dooranayay Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xoghayaha.

Dr Maryam Qaasim ayaa heshay aqlabiyadda codka xubnaha Guddiga doorashada adag oo wareegii labaad la isla tagay.

Dr. Maryam Qasim Axmed oo ah Dhakhtar caafimaad ah, ayaa ku takhasustay Caafimaadka Dadweynaha waxaana ay leedahay waayo-aragnimo ka badan sodon sano, kana soo qabatay xilal wasiirnimo oo ay ka mid yihiin Caafimaadka, Waxbarashada iyo Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Loolanka adag ee hogaanka doorashada ayay la gashay dhex Dr. Cumar Cabdulle Calasow oo haysta PhD kuna takhasusay Xuquuqda Insaanka Caalamiga ah iyo Sharciga Dagaalka (University of Essex) kaa oo leh in ka badan shan iyo labaatan sano oo khibrad ah, kana soo shaqeeyay AMISOM, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda aadanaha, haweenka iyo carruurta, sidoo kale wuxuu la-taliye sare u soo ahaa Qaramada Midoobay.

Afhayeenkii hore ee Xukuumadda Farxaan Jimcaale, oo horay uga mid ahaa murashaxiinta, ayaa shaaciyay inuu si rasmi ah uga tanaasulay tartanka, taas oo sii xoojisay loollanka labada murashax ee isku haray.

Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqal Insaanka Qaranka ayaa bishii May 2025 ku soo baxay imtixaan ay qaaday Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqal Insaanka Soomaaliya, kaddibna waxaa ansixiyay Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here