Duulimaadyadii ganacsiga ee tagi jiray dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah dib u bilaabmay, kadib hakad uu ku jiray ku dhowaad laba toddobaad oo ka bilowday 18-kii Maarso.
Dib u furitaanka duulimaadyada ayaa yimid maalmo kadib markii ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegeen magaalada Baydhabo, oo ah xarunta maamulka Koonfur Galbeed.
Diyaarad ganacsi oo sidday ciidamo ilaalo ah ayaa aroortii hore ee Talaadada ka degtay garoonka diyaaradaha ee Shati Gaduud ee Baydhabo, iyadoo ay ka horreyso wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Aadan Madoobe.
Mas’uuliyiin heer federaal ah ayaa la filayaa inay bilaabaan geeddi-socod siyaasadeed oo cusub, kadib markii dowladda federaalka ay la wareegtay magaalada.
Arrintan ayaa ka dambeeysay kadib is-casilaadda madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Adan Maalim Ibraahim, oo ah wakiil safarro diyaaradeed ka shaqeeya Baydhabo, ayaa u sheegay warbaahinta in tigidhada la bilaabay in lajaro, isla markaana howlaha garoonka diyaaradaha ay si caadi ah u shaqeynayaan mar kale.
Garoonka Baydhabo oo ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan dalka ayaa hakad galay 18-kii Maarso, xilligaas oo maamulkii hore ee Koonfur Galbeed uu joojiyay duulimaadyada ganacsiga, iyadoo loo oggolaaday kaliya duulimaadyada bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.
Hakadka duulimaadyada ayaa la xiriiray khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyay maamulkii hore ee Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka.



