Home WARARKA Faahfaahino ka soo baxaya duqeymo ka dhacay deegaanno hoos yimaada Afgooye

Faahfaahino ka soo baxaya duqeymo ka dhacay deegaanno hoos yimaada Afgooye

18
0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanno hoos yimaada magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Duqeymaha ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaarey dad rayid ah oo ku sugnaa tuulada Jambaluul ee duleedka degmada Afgooye.

Tobanaan ruux ayaa warar soo baxaya sheegayaan inuu khasaare ka soo gaarey, kuwaasi oo dhaawacyadooda la keenay gudaha magaalada Muqdisho.

Duqeynta ayaa waxaa xaqiijisay Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Hay’adda NISA oo sheegtay in lagu beegsaday xubno ka tirsan AS.

Inta badan Saaxiibada Caalamiga ayaa Dowladda Federaalka ka taageera duqeymaha dhinaca cirka ah oo lala beegsado goobaha ay ku sugan yihiin AS, kuwaasi oo ay suuragal tahay inuu khasaare ka soo gaaro dad rayid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here