Home WARARKA Faahfaahino laga helayo duqeymo laga fuliyay gobolka Jubbada Dhexe

Faahfaahino laga helayo duqeymo laga fuliyay gobolka Jubbada Dhexe

15
0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal duqeyn ah oo saacadihii la soo dhaafay Diyaarado dagaal ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraal kooban oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday degmada Jilib oo ku taalla gobolka Jubbada Dhexe.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in la duqeeyay goob ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan AL-shabaab oo ku taalla degmada Jilib, iyadoo aan weli la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Bayaanka Dowladda Federaalka ayaa lagu xusay in duqeyn la gaarey hadafkii laga lahaa, isla markaasna dhawaan la bixin doono faahfaahin dheeraad ah.

Howlagalka duqeynta ayaa waxaa fuliyay saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera dagaalka AL-shabaab gaar ahaan dowladda Mareykanka.

Sidaan oo kale saacadihii la soo dhaafay diyaarado dagaal ayaa duqeyn ka fuliyay tuulada Jambaluul ee hoos timaada degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, inkasta oo dad rayid ah khasaare ka soo gaarey howlgalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here