Home WARARKA Farmaajo oo Digniin adag u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Farmaajo oo Digniin adag u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

2
0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa digniin adag u diray Madaxweynaha xilka haya, Xasan Sheikh Maxamuud, isaga oo uga digay in wax-ka-beddel dastuur oo hal dhinac ah iyo qorshayaal doorasho oo muran dhaliyay ay dalka gelin karaan xaalad khatar ah.

Farmaajo ayaa sheegay in marka uu dhammaado mudda xileedka madaxweynaha oo la sheegay inay ka harsan tahay qiyaastii laba bilood awoodda uu hadda haysto ay si toos ah u dhammaan doonto, isagoo xusay in awoodda hoggaamineed ay tahay mid ku meel gaar ah.

Madaxweynihii hore ayaa hadalkan ka jeediyay kulan afur ah oo uu la qaatay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo laga soo doorto Puntland, Wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu “waaqica wajaho” isla markaana dib uga fiirsado go’aannada uu ku tilmaamay kuwo hal dhinac ah.

Farmaajo wuxuu si gaar ah u dhaliilay wax-ka-beddelka lagu sameeyay dastuurka, dib-u-dhacyada lagu eedeeyay arrimaha doorashooyinka, iyo xiisadaha siyaasadeed ee isa soo taraya,bWuxuu ku dooday in tallaabooyinkaasi ay halis gelin karaan xasilloonida dalka.

Wuxuu sidoo kale ka digay in ku dhegganaanshaha awoodda iyada oo aan la helin is-afgarad ballaaran ay keeni karto cawaaqib xun.

“Hoggaaminta waxaa jira waqtiyo aad isu aragto libaax sababtoo ah awood ayaad haysataa, balse waqtigaasi si dhaqso ah ayuu ku dhaafi karaa, Ha marin waddo qoomamo kuu horseedi karta—anigu horay ayaan u arkay jidkaas,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Farmaajo ayaa sidoo kale xusay cabashooyin weli taagan, oo ay ka mid yihiin khataraha amni ee dalka ka jira, isagoo adkeeyay baahida loo qabo dowlad loo dhan yahay iyo midnimo qaran, halkii laga abuuri lahaa kala qeybsanaan siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here