Home WARARKA Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

4
0

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in hlkaas Xalay lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Kadiye Maxamuud Cabdi Dhicisow.

Allah u naxariiste marxuumka ayaa kooxo hubeysan oo u dhalatay dalkaas waxay ku dhex dileen dukaan ganacsi oo uu ku lahaa deegaanka Delft ee ku yaala duleedka Waqooyi ee magalada Cape Town ee gobolka Western Cape.

Burcada hubeysneyd ee fulisay dilka Muwaadinkan Soomaaliyeed oo u dhalatay dalkaas ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta ay ku dileen marxuumka.

Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Koonfur Afrika oo gaaray dukaanka lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sameeyay baaritaan la xariiray dilka marxuumka,  hayeshee lama soo warin wax natiijo ah oo kasoo baxay baaristooda.

Dilkaan ayaa noqonaya kii ugu horeyay ee muwaadin Soomaaliyeed sanadkan cusub ee 2026 loogu geysto gudaha dalka Koonfur Afrika, wuxuuna sidoo kale qeyb ka noqonaya dilalka sida joogtada aheyd dalkaas loogu geysanaayay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaas u shaqo tagay, iyadoo aysan jirin dowladda wax ka qabaneysa dhibaatooyinka Soomaalidu ku wajahayaan dalka Koonfur Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here