Abuukaate Cabdiwaaxid Warsame Cabdullaahi oo ah Garsoore Soomaaliyeed ayaa ku biiray Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika, waxaa lagu dhaariyay meertada 25aad ee shir madaxeedka Dallada EAC.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu hor dhaariyay Abuukaate Cabdiwaaxid Warsame, waxaana uu katirsan yahay qaybta heerka koowaad ee Maxkamadda Dalladda Bulshada Bariga Afrika ee loo soo gaabiyo EACJ.
Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania, Ilyaas Cali Xasan ayaa bogaadiyay booska uu galay Abuukaate Cabdiwaaxid, waxa uu ku sifeeyay in uu yahay aqoonyahan khibrad ballaaran u leh shaqadaan isaga oo ka rajeeyay wax qabad wanaagsan.
“Avv. Cabdiwaaxid Warsame Cabdullaahi, Khibraddiisa ballaaran waxaan aaminsanahay in si weyn uga qayb qaadan doono xoojinta caddaaladda iyo sareynta sharciga. Waxaan u rajeynayaa guul iyo howl wacan gudashada waajibaadkiisa cusub” ayuu yiri Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania, Ilyaas Cali Xasan.
Soomaaliya ayaa xubno ku yeelatay heerarka kala duwan ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika sida Garsoorka iyo Baarlamaanka, waxa ay dardar la tagtay fadhiyada Dalladdaas si ay u muujiso waxyaabaha ay kusoo kordhin karto ku biiristeeda kaddib.



