Kismaayo waxaa hadda ka socda kulan aan caadi ahayn oo u dhexeeya Golaha Wakiillada Jubbaland iyo xildhibaannada maamulkaasi ku metela Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulankan oo si gaar ah loogu tilmaamay mid xasaasi ah ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo mowqif mideysan oo ay qaadan karaan mas’uuliyiinta ka soo jeeda Jubbaland.
Fadhigan oo ah kalfadhiga labaad, isla markaana ah fadhi gaar ah, ayaa waxaa shir-guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubbaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.
Ajandaha kulanka waxaa ka mid ah furitaanka rasmiga ah, akhrinta aayadaha Qur’aanka Kariimka, ansixinta ajendaha, iyo wada-tashi toos ah oo dhexmaraya labada dhinac.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in xildhibaannada is garabsanaya ay qorsheynayaan inay soo saaraan go’aan mideysan oo la xiriira jihada siyaasadeed ee ay qaadanayaan, xilli dalka uu ku jiro marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.
Kulanka ayaa wali socda, waxaana la filayaa in marka uu soo dhammaado ay war rasmi ah ka soo saaraan waxyaabaha ay isla meel dhigeen.
Dhanka kale, maalinta berri ah waxaa qorshaysan in xildhibaannada Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay u fariistaan ansixinta dastuurka la dhameystiray wax ka beddelkiisa, arrintaas oo sii kordhinaysa xiisadda iyo feejignaanta siyaasadeed ee ka taagan guud ahaan dalka.
Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha siyaasadda ayaa si dhow ula socda natiijada kulanka Kismaayo iyo saameynta uu ku yeelan karo go’aamada la filayo in la qaato maalmaha soo socda.



