Home WARARKA Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo Taliye cusub u magacaabay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed

Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo Taliye cusub u magacaabay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed

1
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday Taliyihii ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed Jenaral Odowaa Yuusuf Raage, sida lagu caddeeyay go’aan rasmi ah oo ka soo baxay Golaha Wasiiradda.

Golaha Wasiirradda Soomaaliya ayaa xilka Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed u magacaabay Ibraahim Maxamed Maxamuud, kaasoo si rasmi ah ula wareegaya hoggaaminta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabidda Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo loo magacaabay Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo leh khibrad shaqo ciidan oo 18 sano ah, iyo aqoon waxbarasho oo gaarsiisan heerka labaad ee jaamacadda” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Cabdinaasir Saxansaxo.

Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Ibraahim Maxamed Maxamuud oo ah nin dhalinyaro ah ayaa sanadihii lasoo dhaafay soo ahaa Taliyaha ciidanka Taakuleynta xoogga dalka, waxaana la tilmaamay inuu ka soo shaqeeyay abaabulka, taageerada iyo tayeynta howlgalada ciidamadu kula jiraan Al-shabaab.

Sidoo kale, taliyaha cusub ayaa kamid ahaa saraakiisha hoggaamineysay dagaalladii u dambeeyay ee ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan howlgalladii ka socday deegaannada Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu door muuqda ka qaatay abaabulka iyo taageerada ciidanka.

Magacaabistiisa ayaa ku soo aadeysa xilli uu dalka ku jiro dagaalo adag, waxaana la filaya in taliyaha cusub uu hormuud u noqon xoojinta amniga, dib u habaynta ciidamada iyo dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gobolada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here