Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u buriyay ama u baabi’iyay dhamaan heshiisyadii ay dowladda Imaaraadka Carabta ku joogtay gudaha dalka Soomaaliya.
Heshiisyada Xukuumadda Soomaaliya ay ka laabatay ama burburisay waxaa ku jira heshiisyada Imaaraadka Carabta ay ku joogan dekaddaha Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Somaliland, Puntland iyo Jubbaland.
Warsaxafadeed kasoo baxay shirka Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ahaa shir deg deg ahaa ayaa lagu xaqiijiyay in heshiisyadii amniga iyo difaaca oo ay wada galeen labada dowladood in Soomaaliya ka laabtay.
Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa go’aankan ku macneeyay iney la xariirto in dowladda Imaaraadka Carabta ay ku xad gudubtay midnimada Qaranimada Soomaaliya.
“Go’aankaan wuxuu la xiriiraa warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada Qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee dalka.” ayaa lagu Warsaxafadeedka kasoo baxay shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale Warsaxaafadeedka Golaha Wasiirrada lagu sheegay in go’aankan uu yahay mid loo qaatay si waafaqsan danta guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya lagu faray iney hirgaliso go’aanadan kasoo baxay Golaha Wasiiradda Soomaaliya.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Golaha Wasiirrada Soomaaliya kasoo baxay oo dhameystiran:-




