Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in Caasimadda ay kasoo kabatay dhibaatooyinkii ka dhex jiray muddo kahor, waxa uu bogaadiyay cid weliba oo qayb ka qaatay nabadda hadda ka jirta.
Muungaab ayaa sheegay in ay jiraan Dad uu ku sifeeyay in ay siyaasad ka dhex raadinayaan nabadgalyo darro ka dhacda taasina aan dan u ahayn Dadka Caasimadda oo doonaya in ay codkooda siiyaan dadka ku metalaya siyaasadda sida uu hadalka u dhigay.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in alle looga mahadcelinayo nabadgalyada ka jirta Xamar, waxa uu si toos ah u shaaciyay in waddada keliya ee furan ay tahay Doorasho, ciddii is hubtana ay dadkooda codadka ka raadsadan sida uu yiri.
“Xamar waa nabad, way ka gudubtay Nabadgalyo-daro, dhabbaha keliya ee furan waa Doorasho qof iyo cod ah sida uu inoo sheegay hoggaamiyaheenna Dal-xoreeye, Xamar Fooriye way ka gudubtay, Madax jebin way ka gudubtay, alxamdulillaahi qarax ay ku dhintaan kun qof way ka gudubtay, waa in aan ilaalsanaa, ciddii siyaasad rabta waxa aan leenahay horumarkaan jira siyaasad ka dhex raadso” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Gen. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saaray hirgelinta Doorashada Dowladaha Hoose oo la filayo in ay ka billaabato Gobolka Banaadir 25ka Bishaan sida uu sheegay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, waxa ay ku baaqeen in la taageerro.



