Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in wafdi uu hoggaaminayo ay ku wajahan yihiin Magaalada Baydhabo xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.
Maxamed Mursal ayaa sheegay in ujeedka safarkooda berri ee Magaalada Baydhabo uu yahay mid lagu xoojinayo Xisbiga ay diiwaangashadeen si ay ugu tartamaan Doorashada Dadweyne ee la filayo in ay dalka ka dhacdo sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Horumarinta & Midnimada Qaran, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in uu jiro culays dhinaca safarka ah oo Shirkadaha Diyaaradaha uu ku hayo Maamulka Koofur Galbeed, taasi ayuu tilmaamay in ay kahor imaanayso xorriyadda dastuuriga ah uu haysto sida uu yiri.
“21ka bishaan ayaa u socdaa Magaalada Baydhabo si aan furo Xarunta Xisbiga, Koofur Galbeed irdaha ayaa u xiran, Sheekada waxa ay noqotay Dadka diyaaradaha laga kiraysto ayaa la handadaa, waxaa la dhahaa qofkaas masoo qaadi kartid, Shahaadada aan haysano ee guddiga doorashooyinka ayaa inoo fasaxaysa in aan tagi karno meel weliba oo aan xafiis ka furan karno, Xisbigayga & Kan Laftagareen way u siman yihiin Baydhabo” Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.



