Magaalada muqisho ee caasimada soomaaliya waxa ka taagan xaalad quus ah oo ay qabaan Bulshada ku nool, ka markii ciidamo k tirsan Dowlada ay Bilaabeen in ay Guryaha albaabada kala Baxaan Canshuur Darteed.
Muuqaallo lagu Baahiyay Baraha Bulshada Ayaa muujinaya Guryo laga baxay albaabadii taas oo culeys u keentay Dadkii Deganaa Guryahaas albaabada laga baxay.
Mid ka mid ah Haweenka Gurigooda albaab laga baxay ayaa tiri”ALbaabadii waa naga la baxay sas ayaa nooga Galay, Dowlad waxaa la arki jiray aminga sugtee Dowlad waxaa noo imaatay Albaabadii Guryaha kala baxeysa ayadoo nadayaceeysa weligiin waxaan kalo ma Aragteen qoysas Dhan meel kuwada nool in albaabadii laga fuqsaday laga qaatay ilaa how naga soo gaar ayay sii raacisay.
Sidoo kale waxaa ka hadlay mid ka mid ah Odoyaasha Gurigiisa ALabaabka laga baxay”Anigoo ah qof shacab ah xaafada shibis shaqadeyda waxaa waayo mooto Mootaaleey ayaan ahay anigoo maqan ayaa caruurteyda loo yimid saan loogu qufushtay,carruurtii saan ayay Bananka u taaganyihin ayuu yiri”’
Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa ka cabanaya canshuur dheeraad ah oo ay sheegeen in lagu soo rogay , taasi oo keentay in la xiro xarumihii ganacsiga ee Suuqa Bakaaraha qeeybo ka mid ah iyo Suuqa xamarweyne.
Magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya Dadka ku nool waxaa ay la kulmeen dhibaatooyin Badan oo ka shay qaabka qaadista canshuuraha.
Hoos ka dhageyso:



