Home WARARKA Halis amni oo ka jirta Muqdisho ee caasimadda soomaaliya

Halis amni oo ka jirta Muqdisho ee caasimadda soomaaliya

12
0

Saraakiil sare oo ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ayaa la sheegay inay isku dhaceen, kaddib muran ka dhashay kala qaybsiga lacago lagu bixiyay fasaxa shixnado mamnuuc ah oo ka soo degay Dekedda Muqdisho. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shixnaddaasi ay ahayd daroogo.

Ilo kale ayaa tilmaamaya in muranka uu sidoo kale la xiriiray lacag lagu bixiyay sii deynta hub iyo sun la rumeysan yahay inay ku socdeen kooxaha hubeysan ee ka dagaalama dalka, kuwaas oo la sheegay inay ka soo shiraacdeen Yemen iyo Pakistan.

Dhacdadan ayaa muujinaysa xaalad halis ah oo ka taagan laamaha amniga, gaar ahaan Booliiska iyo Hay’adda Sirdoonka, kuwaas oo la sheegay inay isku haystaan laaluush la bixiyay si loo sii daayo shixnado halis ku ah amniga iyo nolosha shacabka soomaaliyeed.

Shacabka Muqdisho, oo muddo dheer la daalaa dhacayay amni darro iyo horumar la’aan, ayaa weli dalbanaya nabad iyo barwaaqo, iyadoo eedda ugu weyn ay dusha ka saaran tahay masuuliyiinta lagu eedeeyay ka ganacsiga dhiigga iyo mustaqbalka dadka Soomaaliyeed,

Madaxda sare ee dalka hadii saxiixayaan hishiisyo xaalufin ah, xakuumada iyo barlamanku aanu masuuliyad la xisaabtamin iska saarin, saraakiishana inay shaqadan kala gudbinta hubka iyo sunta qabtaan Waa wax caadiya oo la filayay,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here