Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa sheegtay inay xalay fulisay howlgal amni oo qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Qaahira ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
NISA oo kaashaanaysay saaaxiibada caalamiga ah ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in howlgalkaan lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab, iyadoo sidoo kale xustay in la burburiyay goobo ay ku kaydsanaayeen hub iyo xarumo ay gabaad ka dhiganayeen dagaalamayaasha Alshabaab.
Howlgalkan ayaa la sheegay inuu daba socday howlgallo maalmo ka hor laga fuliyay deegaanka Maxaa Saciid ee isla gobolkaas, halkaas oo lagu beegsaday horjoogeyaal ka tirsan Alshabaab, kuwaas oo hay’adda NISA ay sheegtay in la beegsaday xilli ay ku kulansanaayeen guri ku yaalla deegaankaasi.
Hay’adda NISA waxay sheegtay weerarkaasi in lagu dilay shan horjooge, halka saddex kale ay soo gaareen dhaawacyo culus.
Hay’addu waxay ugu baaqday shacabka ku nool dhulka ay ka taliyaan Alshabaab, inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Alshabaab, iyadoo tilmaamtay in ay yihiin bartilmaameed joogto ah u yihiin Ciidamada Qaranka.
Alshabaab ayaa sanadkii hore gacanta ku dhigay dhul badan oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe. Dib u qabsashada dhulkaas ayaa dhabarjab weyn ku noqotay guulaha Dowladda ay horey uga gaartay dagaalka ay la gashay Alshabaab.




