Home WARARKA Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Dib u Dhigtay Hirgelinta Shuruudda Kaarka Aqoonsiga...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Dib u Dhigtay Hirgelinta Shuruudda Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee Safarka Gudaha

3
0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed (ICA) ayaa soo saartay wargelin rasmi ah oo ku saabsan shuruudda cusub ee Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee safarka gudaha dalka, taas oo la qorsheynayay in ay dhaqan gasho 1-da Janaayo 2026.

Hay’addu waxay sheegtay in, si loo siiyo muwaadiniinta waqti dheeri ah oo ay ku qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, dib loo dhigay hirgelinta shuruuddan, isla markaana waqtiga cusub loo asteeyey 1-da Maarso 2026.

Inta ka horreysa taariikhdaas, muwaadiniintu weli way safri karaan iyagoo aan wadan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, balse waxaa lagu boorrinayaa inay ka faa’iideystaan muddadan dheeraadka ah ayaa lagu yiri war kasoo baxay Hay’adda.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa ku adkeysay in Kaarka Aqoonsiga Qaranku yahay shardi muhiim u ah sugidda amniga, fududeynta safarka gudaha, iyo helitaanka adeegyada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Waxay sidoo kale muwaadiniinta ugu baaqday inay si degdeg ah isugu diiwaangeliyaan xarumaha rasmiga ah ee bixiya Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si ay uga fogaadaan caqabado ka dhalan kara marka shuruuddu si buuxda u dhaqan gasho.

Ugu dambeyn, Hay’addu waxay xustay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo nidaamka aqoonsiga qaranka iyo dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here