Home WARARKA Hey’ad caalami ah oo digniin ka soo saartay khilaafka Siyaasada ee Somalia

Hey’ad caalami ah oo digniin ka soo saartay khilaafka Siyaasada ee Somalia

28
0

Warbixin cusub oo ay soo saaray heyadda xasaradaha caalamka (International Crisis Group) ayaa sheegaysa in Soomaaliya ay wajahayso xaalad siyaasadeed iyo amni oo sii adkaanaysa, iyadoo khilaafaad siyaasadeed, dagaalka Al shabaab, iyo hoos u dhac ku yimid taageerada caalamiga ah ay wiiqayaan dadaallada dowlad-dhiska.

Warbixinta ayaa tilmaantay in dalka uu wajahay khilaaf siyaasadeed oo xooggan, iyadoo dowladdu isku diyaarinayso doorashooyin qaran oo la qorsheeyay inay dhacaan bisha May 2026.

“Dowladda Federaalka ayaa qorsheynaysa in doorashada laga dhigo mid qof iyo cod ah, halkii ay hore uga ahaan jirtay doorasho dadban oo ay odayaasha dhaqanka ku lug lahaayeen. Qorshahaas waxaa ka soo horjeestay mucaaradka siyaasadeed iyo dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo ku eedeeyay dowladda dhexe inay rabto inay awoodda isku koobto” ayaa lagu yiri warbixinta ICG.

International Crisis Group ayaa sheegtay in khilaafkan siyaasadeed uu hoos u dhigay dadaalladii dowladda ee lagu wiiqaysay Al Shabaab, taasoo keentay in kooxdaasi dib u qabsato dhulal badan oo dowladda horey ugu guuleysatay sannadihii 2022 iyo 2023.

“Argagixisada ayaa sanadkan weerarro culus ku qaaday gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, iyagoo dib u hantay degaanno muhiim ah” ayey tiri ICG.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in taageerada maaliyadeed ee caalamiga ah ay si weyn u yaraatay. Maraykanka ayaa sanadkan 2025 qorsheeyay inuu bixiyo $150 milyan oo keliya, halka uu sannadkii hore bixiyay $770 milyan. Midowga Yurub, oo ah saaxiibka ugu weyn ee Soomaaliya, ayaa isaguna yareeyay gacan-siinta uu ku bixiyo howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kaas oo taageera ciidamada Soomaaliya ee la dagaallamaya Al shabaab.

ICG waxay ku boorrisay Midowga Yurub inuu sii xoojiyo taageerada uu siiyo Soomaaliya, islamarkaana uu gacan ka geysto dejinta khilaafka doorashooyinka. Qodobada lagu taliyay waxaa ka mid ah:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here