Home WARARKA Hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka hadlay kulankii ay la yeesheen Madaxweynaha

Hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka hadlay kulankii ay la yeesheen Madaxweynaha

5
0

Qaar kamid ah hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa faahfaahin kooban ka bixiyay kulankii ay maanta Madaxtooyada Qaranka kula yeesheen Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Mas’uuliyiinta hadalka jeediyay ayaa sheegay in kulanku uu diiradda saaray arrimo muhiim u ah mustaqbalka dalka, gaar ahaan nidaamka doorashooyinka, xoojinta wada-hadalka siyaasadeed iyo ilaalinta midnimada qaranka, Waxayna tilmaameen in shirku ahaa mid furan oo si toos ah looga wada hadlay qodobada taagan.

Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheikh Axmed, ayaa caddeeyay inuu ka qaybgalay shirka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii wado wada-xaajoodka si loo helo is-afgarad siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in kulanka lagaga hadlay xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka, adkeynta midnimada iyo wadajirka ummadda, gurmadka abaaraha iyo la dagaallanka kooxaha Argagexisada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Roble, ayaa isna xusay in wada-hadallada la filayo inay diiradda saaraan mustaqbalka dalka iyo sidii loo gaari lahaa heshiis siyaasadeed oo waara oo dan u ah guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaarihii hore, Cabdi Farax Shirdon Saacid, ayaa tilmaamay in ay rajeynayaan in wada-hadalladu si dhab ah u miro-dhalaan, si dalka looga saaro hubanti la’aanta ka jirta arrimaha doorashooyinka.

Shirka maanta ka furmay Villa Soomaaliya ayaa soo gabagaboobay iyadoo wali faah faahino dheeraad ah aan laga helin qodobadii labada dhinac ay lafa gureen inkastoo wararka aynu heleeyno ay sheegayaan in maalinta Berrito markale ay madaxdu balameen si loosii wado qodoba miiska saaran oo ay ugu weyn tahay nidaamka Doorashada dalka ee 2026.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here