Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo saakay aroortii hore ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Shilkan ayaa yimid kadib markii gaari nooca xamuulka qaada ah oo kasoo baxay...
Wararka ka imanaya degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay waraaqo digniin ah ku daadiyeen degmadaasi, xilli Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ay wadaan guluf ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab. Diyaaradahan oo aan la...
Waxaa maanta magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya lagu soo gabagabeeyay shir socday muddo saddex maalmood ah, kaas oo ay isugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Qaxootiga ee dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD. Shirkan ayaa looga hadlayay saami-qaybsi goboleedka ee Madasha...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka Guddiga Joogtada, kaas oo ka qabsoomay xarunta guddoonka iyo guddiyada Baarlamaanka ee Villa Hargeysa. Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyay shuruucda horyaalla Baarlamaanka, iyo sidoo kale  la xisaabtanka wasaaradaha...
Dalka Guinea-Bissau ayaa wajahaysa qalalaase siyaasadeed kadib markii koox saraakiil ciidan ah ay ku dhawaaqeen in ay si buuxda ula wareegeen awoodda dalka, maalmo kadib markii dalkaasi ay ka qabsoontay doorasho madaxtinimo oo muran badan dhalisay. Saraakiisha ayaa telefishanka Qaranka...
Doorashada hoosaadka xisbiga JSP oo Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa computer ku soo kala saaranaya xubnaha u galaya doorashada golaha Deegaanka Khilaafka ka jiro ee Gobolka Banaadir, doorashadaa oo JSP keligood ku tartamayaan. Xisbiga Hassan Sheikh JSP iyo gudigooda doorashada waxay...
Ciidamada dowlada Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa maamulka Jubbaland ayaa kaabiga ku haaya degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab. Ciidamada is garabsanaya ayaa howlgalka si garbo siman ah uga wada wadada laamiga...
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in hay’adaha amniga dalka ay u xaqiijiyeen in kooxda Al-Shabaab ay ku amartay xubnaheeda inay isdiiwaangeliyaan, islamarkaana ay qaataan kaararka aqoonsiga qaranka ee NIRA. Madaxweynuhu isagoo ka hadlayay Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka, ayuu...
 Wasiirka Gargaarka, Masiibooyinka iyo Qaxootiga dalka Uganda, Hilary Onek, ayaa shaaciyay in dowladdu joojisay bixinta aqoonsiga qaxootinimo ee dadka kasoo carara dalalka aan hadda ka jirin dagaal, sida Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya. Go’aankan ayaa yimid iyadoo taageerada deeq-bixiyayaasha ay si...
Wararka ka imaanaya xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in barqanimadii maanta lagu dilay tuulo u dhaxeysa deegaanada Xalfooley iyo Ceel baraf nin waayeel ahaa. Ninka waayeelka ah ee la dilay oo da’diisu lagu sheegay 80 sano ayaa...