Home WARARKA Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay howlgal laga fuliyay...

Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay howlgal laga fuliyay gobolka Baay

13
0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed,  gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa Xalay fuliyay howlgal si heer sare ah loo qorsheeyay ka fuliyay deegaanka Buula Fuleey ee gobolka Baay.

Howlgalka ayaa ahaa mid si gaar ah ciidanku ugu bartilmaameedsadeen xarumo ay ku sugnaayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab, waxaana lagu dilay 20 xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

Deegaanka Buulo Fuleey ee gobolka Baay ayaa ka mid ah deegaanada ku yaala Baay oo ay kooxda Al-shabaab ku leeyihiin xarumaha ugu waaweyn uguna muhiimsan oo ay ka weeraraan qaar ka mid ah magaalooyinka gobolka Baay.

Howlgalka ayaa sidoo kale la sheegay in ciidamadu ay ku burburiyeen idaacad ku hadasha afka Al-shabaab oo ku taallay deegaanka Buulo Fuleey, hayeshee wali lama shaacin magacyada horjoogayaasha lagu dilay howlgalka Xalay ka dhacay deegaanka Buulo Fuleey.

Ugu dambeyntii howlgalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo laba maalmood ka hor gobolka Jubbada Dhexe lagu beegsaday qaar ka mid ah horjoogayaashii ugu sareeyay kooxda, islamarkaana shalay sido kale ciidamada xooga dalka uga hortageen duulmlaan culus oo Al-shabaab ay kusoo qaaday deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here