Home WARARKA Iiraan oo xaqiijisay geerida Hoggaamiyahoodii Khamenei & Hanjabaad culus oo ay dirtay

Iiraan oo xaqiijisay geerida Hoggaamiyahoodii Khamenei & Hanjabaad culus oo ay dirtay

6
0

Dowladda Iiraan ayaa xaqiijisay in weerarkii shalay ka dhacay Dalkaas lagu dilay Hoggaamiyihii dalkaas Ayatollah Ali Khamenei iyo xubno kale oo kula sugnaa dhulka qaybta hoose ee sida gaarka ah loogu dhisay gurigiisa.

Kahor inta aysan Iiraan Xaqiijin waxaa geerida Khamenei sheegay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, saacado kaddib war kasoo baxay Xukuumadda Tehran ayaa lagu xaqiijiyay iyada oo bayaanka lasiii raaciyay hanjabaad culus.

Waxaa lala dilay La-taliyaha Ammaanka oo lagu magacaabo Ali Shamkhani, Taliyaha Ilaalada Kacaanka, Mohammad Pakpour & Wasiirka Gaashaandhigga, Amir Nasirzadeh sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow xogtaan.

Sirdoonka Israa’iil iyo Maraykanka oo ku xiran kooxo gudaha Iiraan jooga ayaa la sheegay in ay iska kaashadeen xogta kulankaan maadaama saacado kahor waqtigaas lagu kala tagay wadahadalkii socday oo Tehran ay dalbatay wareeg kale.

Si looga tashto waxa imaan kara iyo tallaabada ay qaadi karto Tehran waxaa loo baahday in kulankaan uu dhexmaro xubnahaan sare oo ugu dambayn lagu beegsaday iyaga oo ka shiraya sidii ay isaga difaaci lahaayeen Maraykanka, Israa’iil iyo xulufadooda kale.

Iiraan oo jug culus kasoo gaartay weerarkaas ayaa qudheeda jab aad u xooggan gaarsiisay Maraykanka iyo Israa’iil, waxa ay beegsatay saldhigyo & goobo aan laga malaysanayn in ay weerari karo kuwaas oo xeendaabka Bariga Dhexe ku siman.

Waxaa intaas dheer hanjabaad culus oo Iiraan ay u jeedisay Israa’iil, Maraykanka & Dalalka daba-joogga u ah Ingiriiska uu ku jiro iyada oo sheegtay in ay u aargudi doonto hoggaanka lagu dilay weerarka ka dhacay gudaha Dalkooda.

Maraykanka iyo Israa’iil ayaa guriga Hoggaamiyihii ay dileen ee Iiraan ku tuuray in ka badan 30 Gantaal oo kuwa qaraxyada culus sameeya oo qaarkood ay ku jireen kuwa naqaska ku dhejiya dadka ku sugan goobaha Dhulka Hoose ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here