Home WARARKA In ka badan 200 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan Soomaali oo...

In ka badan 200 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan Soomaali oo laga xoreeyay magafaha Libya

17
0
TRIPOLI, LIBYA - MAY 13: Forces of Libyan Ministry of Defense take security measures following the clash between Libyan security forces and the militia group called "Stability Support Apparatus" on the Abu Salim area of Tripoli, Libya on May 13, 2025. (Photo by Hazem Turkia/Anadolu via Getty Images)

Hay’adaha ammaanka dalka Liibiya ayaa xoreeyay in ka badan 200 muhaajiriin ah, kuwaas oo lagu hayay xabsi qarsoodi ah oo ku yaalla magaalada Kufra, ee ku taala koonfur-bari dalkaas, kaddib markii lagu hayay xaalado bani’aadannimo ka baxsan.

Hay’adaha Ammaanka ee dalka Libya oo la hadlay wakaaladda Reuters ayaa sheegay in la helay xabsi dhulka hoostiisa ah, oo sida ay sheegeen ay maamuli jirtay shabakad wax tahriibisa oo uu leeyahay nin Liibiyaan ah.

Mid ka mid ah ilaha ayaa sheegay in shakhsigaas aan weli la xirin. Qaar ka mid ah muhaajiriinta la xoreeyay ayaa lagu hayay qolal dhulka hoostiisa ah muddo gaareysa ilaa laba sano, iyadoo falkaan lagu tilmaamay mid ka mid ah dambiyada ugu halista badan ee ka dhanka ah bini’aadannimada ee laga helay gobolka.

Howlgalku wuxuu horseeday weerar lagu qaaday xabsi qarsoodi ah oo ku dhex yaalla magaalada, halkaas oo laga helay dhowr qol oo dhulka hoostiisa ah oo si aad u xun loogu hayay boqolaal dad ah.

Muhaajiriinta la xoreeyay waxay ka yimaadeen dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya, gaar ahaan Soomaaliya iyo Eritrea, waxaana ka mid ah haween iyo carruur, sida ay sheegeen masuuliyiinta Libiya.

Tan iyo markii la riday taliskii Mucammar Qadaafi kaddib kacdoon ay NATO taageertay sanadkii 2011, Liibiya waxay noqotay marin ay muhaajiriintu uga gudbaan colaadda iyo saboolnimada iyagoo u sii maraya Yurub, iyagoo wajahaya safarro khatar ah.

Toddobaadkii hore, ugu yaraan 21 meyd oo muhaajiriin ah ayaa laga helay xabaal wadareed ku taalla bariga Liibiya, halka ilaa 10 qof oo ka badbaaday kooxdaas ay muujiyeen calaamado muujinaya in la jirdilay ka hor intii aan laga xoreyn gacanta dambiilayaasha, sida ay Reuters u sheegeen laba saraakiisha hay’adaha ammaanka.

Bishii Febraayo ee sanadkii hore, 39 meyd oo muhaajiriin ah ayaa laga soo saaray ku dhowaad 55 xabaal wadareed oo ku yaalla Kufra. Magaaladaas waxaa ku nool tobanaan kun oo qaxooti Suudaaniyiin ah oo ka cararay colaaddii ka qaraxday Suudaan sanadkii 2023.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here