Home WARARKA Isbadel lagu sameeyay taliska Ciidanka Cirka ee Xoogga dalka

Isbadel lagu sameeyay taliska Ciidanka Cirka ee Xoogga dalka

1
0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dib u habeyn ku sameeyay Hoggaanka Ciidanka Cirka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Isbadelka ayaa saameeyay taliska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo loo magacaabay Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji oo loo garan og yahay (Cabdirisaaq Eritrea).

Sarkaalkaan ayaa qeyb ka ahaa Saraakiisha Ciidanka ee gacanta ku haya Feylka Ciidamada qalabka sida ee tababarka loogu qaaday dalka Eretariya.

Sida dadka ku dhow ay sheegeen, Cabdirisaaq ayaa lagu tilmaamay sarkaal firfircoon oo fahansan nidaamka ciidamada, waxaana la filayaa inuu qeyb ka noqdo dib u dhiska Ciidanka Cirka ee Xoogga dalka.

Maalmihii la soo dhaafay Dowladda Federaalka ayaa isbadallo ku sameysay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka, si loo dardar galiyo dagaalka AS iyo Daacish ee ka socdo dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa isku badalay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka gaar ahaan Gorgor oo qeyb ka qaata howlgallada gaarka ah ee ay fuliyaan Ciidamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here