Home WARARKA Jubbaland oo ku dhawaaqday inay tahay dowlad gaar ah

Jubbaland oo ku dhawaaqday inay tahay dowlad gaar ah

18
0

Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa maanta ku dhawaaqay go’aan culus oo xasaasi ah, isla markaana uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee haatan kala dhexeysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo maanta hadal siiyay warbaahinta ayaa sheegay in wax ka beddal ay ku sameeyeen dastuurka, waxaana uu tilmaamay inay ka guureen magaca dowlad-goboleed, isaga oo ku dhawaaqay in Jubbaland ay tahay dowlad.

Cabdi Maxamed oo ka qayb-galay shirweynaha 8-aad ee caafimaadka Jubbaland ayaa golaha wasiirada faray inay u hoggaansamaan dastuurka, ayna adeegsadaan magaca cusub ee dowladda Jubbaland.

“Waad ogtihiin dastuurka waa ka saarnay dowlad-goboleed xubnaha baarlamaanka waa fadhiyaan goboleedka ayaan ka saarnay, haddana waa dowladda Jubbaland” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Ma bixin guddoomiyaha baarlamaanka faah-faahin intaasi dhaafsiisan, iyo sababta ka dambeysa inay ku dhawaaqaan dowlad, iyaga oo weli xubin ka ah dowladda federaalka.

Jubbaland ayaa waxaa haatan khilaaf xooggan uu ka dhexeeyaa Villa Somalia, kaas oo gaaray meeshii ugu xumeyd, waxaana go’ay gebi ahaan xiriirkii labada dhinac.

Waddadan waxaa horay u qaaday Puntland, oo iyadu ku dhawaaqday inay u dhaqmeyso, sida dowlad madax banaan oo kale, kadib markii ay isku dhaceen dowladda dhexe.

Si kastaba, labada maamul ayaa haatan bannaanka ka jooga hawlaha doorashooyinka, waxayna toos xiriirka ugu jareen dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here