Home WARARKA Jubbaland oo Mamnuucday in Codbaahiyaasha Masaajidda Kor Loo Qaado 10-ka Dambe ee...

Jubbaland oo Mamnuucday in Codbaahiyaasha Masaajidda Kor Loo Qaado 10-ka Dambe ee Ramadaan

3
0

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo saartay awaamiir cusub oo ku saabsan isticmaalka codbaahiyaasha masaajidda inta lagu jiro tobanka dambe ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Warqad rasmi ah oo kasoo baxday Wasaaradda ayaa lagu faray culimada, maamulka masaajidda iyo guddiyaasha degmooyinka in aan kor loo qaadin codka codbaahiyaasha dibadda masaajidda xilliyada Salaadda Tahajudka iyo cibaadooyinka habeenkii ee tobanka dambe ee Ramadaan.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa sheegtay in go’aankan uu salka ku hayo ilaalinta nidaamka, deganaanshaha bulshada iyo in laga fogaado wax kasta oo sababi kara dhibaato ama khalkhal ku yimaada dadka deegaanka, iyadoo sidoo kale la dhowrayo xeerarka iyo waajibaadka maamulka.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay culimada iyo imaamyada masaajidda ku wargelisay inay hubiyaan in cibaadada iyo acmaasha Ramadaanka lagu guto si nidaamsan, iyadoo la ilaalinayo xasiloonida bulshada.

Amarkan ayaa si gaar ah u khuseeya 10-ka habeen ee ugu dambeeya bisha Ramadaan, kuwaas oo ah habeenno ay muslimiintu aad u badiyaan cibaadada sida salaadda Tahajudka iyo akhrinta Qur’aanka Kariimka.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jubbaland ayaa ku boorisay dhammaan culimada, imaamyada masaajidda iyo bulshada inay u hoggaansamaan awaamiirtan si loo ilaaliyo nidaamka iyo wada noolaanshaha bulshada inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here