Home WARARKA Jubbaland oo shaacisay iney si buuxdo ula wareegtay gacanta ku heynta magaalada...

Jubbaland oo shaacisay iney si buuxdo ula wareegtay gacanta ku heynta magaalada Kudhaa

16
0

Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa goordhaw si rasmi ah ula wareegay gacan ku heynta magaalada Kudhaa, sida lagu shaaciyay war kasoo baxay maamulka Jubnaland.

Warka kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in ciidamada is kaashanaya ay soo gabagabayeen xubno ka tirsan Al-shabaab  oo shalay gudaha u galay magaalada Kudhaa.

“Ciidamadama Jubbaland iyo Ciidan Danab oo si rasmi ah hada Gacanta ugu dhigay Magaalo Xebedka KUDHA ee Degmada Badhaadhe, ciidanka ayaa saakay Magaalada Dhowr Jiho kaweraray Halkaas oo maleshiyada Khawaariijta kusugnaayeen 24 saac wax kayar” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Jubbaland.

Qoraalka kasoo baxay Jubbaland oo ahaa mid kooban laguma faahfaahin khasaaraha ka dhashay dagaalka Saakay iyo Shalay ka dhacay gudaha magaalada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya waxay sheegayaan inuu jiro khasaare xoog leh oo kooxda Al-shabaab lagu gaarsiiyay dagaalka goordhaw ciidamada is kaashanaya dib kula wareegeen Kudhaa, islamarkaana tiro maxaabiis ah looga qabtay Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here