Home WARARKA Jubbaland oo si rasmi ah u diiday go’aanka Dowladda Federaalka ee lagu...

Jubbaland oo si rasmi ah u diiday go’aanka Dowladda Federaalka ee lagu laalay heshiisyadii Imaaraadka

3
0

Jubbaland ayaa si adag u diiday go’aankii ka soo baxay Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu baabi’inayay heshiisyadii ay Imaaraadka Carabta la galeen dowlad-goboleedyada, gaar ahaan heshiiska la xiriira dekedda Kismaayo.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in maamulka Jubbaland uusan aqoonsanayn go’aankaas, isla markaana uu yahay mid baalmarsan dastuurka iyo awoodaha dowlad-goboleedyada.

Jubbaland waxay ku adkeysatay in Dastuurkeeda iyo kan Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ay si cad ugu oggolaanayaan inay iyadu maamusho heshiisyada la xiriira ganacsiga, maalgashiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee ka jira deegaannadeeda.

Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale xusay in kaliya Jubbaland ay xaq u leedahay in ay wax ka beddesho ama buriso heshiisyada la xiriira dekedda Kismaayo iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah ee ku yaalla dhulkeeda, taasoo ay ku tilmaantay arrin ku saleysan sharci iyo dastuur.

“Dowladda Jubaland kaliya ayaa leh awoodda buuxda ee wax ka beddelka ama baabi’inta dhammaan heshiisyada horumarineed iyo kuwa amni, gaar ahaan kuwa ganacsiga iyo horumarinta kaabayaasha, sida uu si cad u qeexayo Dastuurka Jubbaland  iyo kan  Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdifataax Maxamed Mukhtaar.

Go’aankan ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada, gaar ahaan marka la eego sida loo wajahayo xiriirka lala leeyahay dalalka shisheeye iyo heshiisyada istiraatiijiga ah ee la xiriira dekedaha, amniga iyo maalgashiga.

Jubbaland oo si rasmi ah u diiday go’aanka Dowladda Federaalka ee lagu laalay heshiisyadii Imaaraadka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here