Ciidamada Sirdoonka dalka Kenya ayaa ku dhowaaqay in ay fashiliyeen weerar Al-Shabaab qorsheynaysay in ay ka fuliso magaalada caasimadda ah ee Nairobi.
Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, howlgalka ayaa lagu soo qabtay shabakad isku xiran oo ka tirsaneyd Al-Shabaab. kuwaasi oo ku sugnaa xeryaha qaxootiga Dhadhaab.
Warbixin ay soo saareen Ciidanka ayay ku sheegeen in howlgalka ay ku soo qabteen bastoolado, bam-gacmeedyo, walxaha qarxa, iyo in ka badan 600 oo xabbadood oo rasaas ah.
Hubkan ayaa la xaqiijiyay in loo soo waday dhanka Nairobi si loogu weeraro goobo bartilmaameed u ahaa kooxda.
Warbixin ayaa lagu sheegay in kooxdu ay damacsanayd in ay howlgalka ku dilaan dad badan oo Kenyaan ah oo ku sugan magaalada Nairobi.
Baaritaannada horudhaca ah ayaa muujinaya in kooxdu ay qorsheynaysay in ay weerarkan fuliso inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.
Sidoo kale, sirdoonka ayaa ogaaday in shabakaddan ay qorsheynaysay afduubka muwaadiniin ajnabi ah iyo dhaca gawaarida si ay qayb uga noqoto dhaqdhaqaaqyadooda dambiyeed ee gobolka.
Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro qaraxyo ku billaawday ka fuliyay gudaha dalka Kenya, iyadoo ay ku geeriyodeen tobanaan ruux.



