Degmada Buuloburte maalmahan dambe waxaa ka jiray xiisad siyaasadeed oo la xiriirta howlaha doorashooyinka iyo is faham-waa u dhexeeya maamulka deegaanka, guddiga doorashooyinka iyo ciidanka deegaanka. Arrintaan oo u muuqata “filim siyaasadeed” ayaa saameyn ku yeelanaysa bulshada wada deggan degmada Buuloburte ee Gobolka hiiraan.
23-kii Febraayo 2026, Dowladda Soomaaliya ayaa degmada Buuloburte u dirtay guddiga doorashooyinka qaranka si ay u bilaabaan howlaha la xiriira diyaarinta doorashooyinka. Markii ay halkaas gaareen, waxaa xabsiga dhigay duqa degmada Cabdisalaam Hagar, balse wararka ayaa sheegaya in goor dambe uu ku amray guddiga inay magaalada ka baxaan, arrintaas oo dhalisay jahawareer iyo su’aalo badan.
Guddoomiyaha degmada Buuloburte Xassan M. Cabdi ayaa markii dambe sawir la galay xubnaha guddiga, isaga oo muujinaya in hawshu si caadi ah u socoto. Si kastaba ha ahaatee, saqdii dhexe ee xalay waxaa la sheegay in ciidamo ka tirsan Macawisley ay guriga guddoomiyaha kala baxeen xubnihii guddiga doorashooyinka, taas oo sii kordhisay hadal-haynta ku saabsan khilaaf hoose ee jira.
Dhinaca kale, guddoomiyaha guddi-hoosaadka howlgalka doorashooyinka, Maxamed Amiin Xasan Cabdalla, ayaa soo magacaabay seddax xubnood oo ay labo kamid ah yihiin beesha Baadacade (gaar ahaan Maamiye) iyo mid Raxanweyn ah (gaar ahaan Hadamo). Magacaabistaas ayaa dhalisay tabashooyin, gaar ahaan dhinacyo sheegay inay waayeen metelaad ay filayeen.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in guddoomiyaha degmada uu ka xumaaday kadib markii guddiga doorashooyinka aan lagu darin beesha uu ka dhashay ee Illaabe Baadacadde, taas oo keentay inuu si cad uga hor yimaado guddiga, isaga oo arrintaa marriin uga sii dhigtay duqa degmada iyo ciidanka Macawisleyda.
Arimahaan ayaa lagu eedeeyey inay soo agaasimeen maamulka Hirshabeelle ee uu hogaamiyo Cali Guudlaawe kaasoo lagu doonaayey sumcad dilka qaar ka mid ah siyaasiyiinta u tartamaya maamulka Hirshabeelle iyo Ciidanka Macawisleyda, isla markaana lagu abuuri rabay isku dhac beeleed oo ka dhex dhasha bulshada wada deggan Buuloburte.



