Home WARARKA Koofur Galbeed oo isku darsatay Abaar & Xiisad Siyaasadeed

Koofur Galbeed oo isku darsatay Abaar & Xiisad Siyaasadeed

3
0

Deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo saamayn taban ku reebtay Abaarta halkaas ka jirta waxaa ugu darsamay Xiisad Siyaasadeed oo u dhaxaysa madaxda Dowlad-Goboleedkaas iyo xubno siyaasad ahaan diidan maamulkaas.

Cabsida ka dhalatay xiisaddaas ayaa saamaysay qoysaska Barakacayaasha ah ee qaarkood degen Duleedka & Gudaha Magaalada Baydhabo oo xarun kumeel-gaar u ah Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed maadaama ay halkaas u raadsadeen in lagu Caawiyo.

Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal sheegay in dadka qaar markii ay arkeen hadallada adag ee dhinacyada siyaasadda isku haya is dhaafsanayaan, saansaanta ciidan ee muuqata & difaacyada meelaha qaar laga qotay in ay ka guureen goobaha ay degenaayeen.

Waxaa jira baaqyo kala duwan oo loo diray Madaxda Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyo Mucaaradka hubaysan ee kasoo horjeeda, waxaana loosoo jeediyay in ay wadahadal ku dhammeeyaan wax weliba oo ay isku hayaan si looga baaqsado dagaal dhaca.

Qaar kamid ah Xildhibaannada Federaalka ee kasoo jeeda Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa ka digay dagaal ka dhaca deegaannada Maamulkaas, waxa ay soo jeediyeen in wadahadal lagu dhammeeyo tabashooyinka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here