Home WARARKA Kooxda Al-shabaab oo isaga baxday deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan

Kooxda Al-shabaab oo isaga baxday deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan

6
0

Al-shabaab aya ka baxay deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Al-shabaab ayaa waxaa ay faarujiyeen deegaanada kala ah Teedaan iyo Bukure oo ku yaala inta u dhaxeysa magaalooyinka Maxaas iyo Baledweyne.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ka bixista kooxda ee deegaanadaan ay timid kadib markii ay ku dhawaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda.

Xubnaha Al-Shabaab ee isaga baxay labada deegaan ee Bukure iyo Teedaan ayaa la soo wariyay iney gaareen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo kooxdu si buuxdo ula wareegtay dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay ee 2025.

Sarkaal u hadlay ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in kooxda Al-shabaab ay inta badan isaga baxeen tuulooyinka, isagoona sababta ku sheegay inay dareemeen kooxdu cabsi ku aadan abaabulka ay wadaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee dib loogu xureynaayo deegaanada gobolka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here