Home WARARKA Kulamada gaargaarka ah ee Madaxda DF & Mucaaradka oo ka socda Muqdisho

Kulamada gaargaarka ah ee Madaxda DF & Mucaaradka oo ka socda Muqdisho

1
0

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamada gaargaar ah ee Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha Mucaaradka ay uga arrinsanayaan qodobada miiska saaran ee la xiriira Doorashada Dalka, Dastuurka iyo sii wadista fadhiyadooda.

Shirka oo qabsoomay Arbacadii iyo Khamiistii ayaa Jimcihii hakad galay si labada dhinac ay usoo sameeyaan wadatashi la xiriira arrimaha muhiimka ah ee doodda adag ay isku dhaafsanayaan labada dhinac sida ay ku warrameen ilo kala duwan.

Maanta ayaa lagu waday in markale la isku arko Madaxtooyada Soomaaliya balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulankaas uu dib u dhacay si ay usoo tashtaan Madaxda Federaalka iyo kuwa Mucaaradka si dhinac weliba uu u xoojiyo dooddiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here