Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Raage Ceele ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo ujeeddadu ahayd sugidda amniga shacabka iyo xasilinta guud ahaan deegaanka.
Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa hoggaaminayay Ururka 10-aad ee Guutada 18-aad Kumaandooska Gorgor, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Taliye ku-xigeenka Guutada 18-aad, Col. Khadar Axmed Cabdi.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadu ay si gaar ah diiradda u saareen tuulooyinka Gayfo, Boscadur iyo Yonbar oo dhaca waqooyiga degmada Raage Ceele.
Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa sameeyay baaritaanno miino oo lagu xaqiijinayay badqabka waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee ay isticmaalaan shacabka iyo gaadiidka.
Tallaabadan ayaa looga gol lahaa in laga hortago waxyeello ay maleegaan kooxaha argagixisada ah oo inta badan miinooyin ku aasa waddooyinka si ay u beegsadaan rayidka iyo ciidamada.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa tilmaamay in hawlgallada noocan ah ay door muhiim ah ka qaataan dib u soo celinta kalsoonida bulshada iyo xaqiijinta in dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka dadweynuhu uu si nabad ah u socdo.
Taliska ciidamada ayaa adkeeyay in ay sii wadi doonaan howlgallada amni xaqiijinta ah ilaa laga hubinayo in deegaannadaasi ay si buuxda u nabdoon yihiin.
Howlgalladan ayaa imanaya xilli dowladda federaalka ay kordhisay dadaallada lagu xoojinayo amniga guud ahaan dalka, gaar ahaan deeganada ay joogaan kooxda Alshabaab.



