Home WARARKA Laamaha Amniga Dhuusamareeb oo soo qabtay Ragg lagu tuhunsan yahay inay...

Laamaha Amniga Dhuusamareeb oo soo qabtay Ragg lagu tuhunsan yahay inay qayb ka ahaayeen dil ka dhacay caasimadda Galmudug

12
0

Laamaha Amniga magaalada Dhuusamareeb ayaa soo qabtay Ragg lagu tuhunsan yahay inay qayb ka ahaayeen dil xalay ka dhacay caasimadda Galmudug.

Wararka ugu danbayey ee aan helayno ayaaa sheegaya in qaar ka mid ah ragga la qabtay ay wateen hub halka qaar kalena lagu soo xiray iyaga oo aan wax hub ah wadin xilligii la qabanayay.

Taliska Saldhigga Booliska Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay jiraan dad tuhun lagu hayo balse aysan jirin cid weli caddeysay inay falkaas geystay.

Eedaysanayaasha xiran hadda lama oga in ay yihiin kuwii dilay marxuum Nuur Aadan Mire oo ka mid ahaa dhalinyarada magaalada.

Booliska Dhuusamareeb weli war rasmi ah kama aysan soo saarin dhacdadan laakiin waxay wadaan howlgallo lagu raadinayo dambiilayaasha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here